Xoghayaha Dawlada Hoose ee Laascaanood haloo Magacaabo Digil iyo Midhifle

0

Burburkii Soomaaliya wuxuu sababay qaxooti farabadan oo u kala yaacay dalka gudihiisa iyo dibadiisaba. Magaalada Laascaanood waxaa ku soo qulqulay dad aad u farabadan oo ka kala yimid degaamada kale oo Gobolka Sool gudihiisa iyo Gobolada kaleba. Dadkaa faraha badan waxaa ka mid ah kuwa Asalkoodu ka soo jeedo Beelaha Digil iyo Midhifleha oo ku dhaqan degaamada Maamulka Koonfur Galbeed. Hadaba qofku markuu degaan yimaado oo mudo joogo wuxuu leeyahay xuquuqda ay leeyihiin dadkii horey u deganaa, waxaase xaqdaro ah in aynu qabiil ku kala soocno oo tusaale ahaan labo qof oo 10 sano ka hor wada yimid mid yiraahdo waxaan ahay Dhulbahante oo xaqii reer hebel baan doonaya, mid kalena aan weligiis la xusin. Ayaamihii ugu dambeeyey waxaa banaanaatay Xoghayaha Dawlada Hoose ee Laascaanood, waxaa magacaabistiisa ku lug leh Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo intii uu xilka hayey dadka Gobolka loo Magacaabay ay u badnaayeen kuwo qoys ama qaraabo la ah sida Taliyaha Qaybta Booliiska oo isku qoys yihiin, Taliyaha Nabadsugida iyo Kuxigeenkiisa oo uu abti iyo qoys la yahay, maanta lagu xamanayo inuu Xoghayaha ka dhigo Qoys ama Qaraabo. Si loo ilaasho xuquuqda Bulsho kasta oo Laascaanood degan maanta waxaa Yaasiin Faratoon la gudboon inuu is dhibo oo Xoghayaha Dawlada Hoose ee Laascaanood uu ka doorto shacabka faraha Badan ee Digil iyo Midhifle ee ilaa mudadii Burburka ku dhaqnaa Magaalada Laascaanood, ama uu ka doorto dadkii deganaa wixii Burburka ka horeeyey oo aanu dadka qabiil isir ah ku kala soocin. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here