Xog:Madaxweyne Gaas oo codsadey in Xildhibaano lagu kordhiyo Barlamanka Puntland

0

GAROWE– Warar lagu kalsoon yahay ayaa Goojacade.com u sheegey in Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas qoraal codsi ah uu u soo direy gudoomiyaha Barlamanka Puntland ku waydiistey in kororsiimo lagu sameeyo tirada xildhibanada golaha shacabka Puntland. Qoraalkaan ayaa wararka laga helayo waxay sheegayaan in madaxweyne Gaas ku codsanayo in tirada Barlamanka Puntland lagu kordhiyo 7 xubnood kuwaasoo gobol ahaan kasoo jeedi doona gobolka Mudug. Qabaa’ilada lagu magacaabey qoraalkaan codisiga ah ayaa xogtaan waxay sheegayaan iney kala yihiin; 2 xubnood qabiilka Leelkase, 1 xubin oo ka imaaneysa Awrtable, 1 Dir ah ; 1 Mareexaan ah iyo labo xubnood beesha Tumaal. Codsiga Madaxweynaha Puntland ayaa yimid maalin kadib markii magalaada Galkacayo uu kula kulmay Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Federalka Somalia kuwasoo wayadaan dambe olole ugu jirey sidii loo kordhin lahaa golaha shacabka Puntland. Waydiisashada Madaxweyne Gaas ee la kordhinayo tirada Barlamanka ayaa noqoneysa middii ugu horeysay ee uu sameeyo mas’uulka uga sareeyo Puntland tan iyo intii dhidibada loo taagey maamulkaan.
Dhinaca kale dalabka Madaxweyne Gaas ayaa yimid xilli waqtiga Doorashada Puntland ka dhiman tahay muddo ka yar Labo sano. Gudoonka Barlamanka Puntland ayaan weli ka hadlin codsiga Madaxweyne Gaas iyadoo guux iyo is-wareysi ka dhex abuurtey xidhibaanada Barlamanka Puntland. Goojacade.com Garowe-Puntland Email:-Goojacadewebsite@gmail.com
]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here