XOG:Madaxweyne Gaas oo la Kulmay Xubnihi Ka Tirsana Barlamaanka Puntland Ee Dejinayey Siyaasadi Ay Mar Kale Ku Soo Noqon Lahaayen!!

0

Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiweli maxamed Cali gaas ayaa Kulaan Gelinki Hore ee Maanta Kulan kula Qaatay Qasrigiisa Xubnihi Fara Ku tiriska ahaa ee ka Tirsana Barlamaanka Puntland Kuwaaso Isku Daayey in Ay Afduuban  Doorashada 2019 Ee Puntland. Xubnahaan Oo Sida Ilo-Wareedyo La Soo Xiriiray mareegta Goojacade News Uu Xaaqijiyeen Ku Sheegen Tiradooda 18 Xubnood  ayaa ahaa Xubnihi  sadexdii sano ugu ee ugu dambeeyey xukuumada Madaxweyne Gaas  Gelin Jiray  khalkhalka  siyaasadeed [ Political spoilers] kuna ahaa nidaamka dowlnimo ee Puntland,kuwasoo madaxda sare ku cabsi galin jiray  iney mooshino ka dhan ah keenayaan hadii aan loo meel-marin danahooda siyaasadeed oo Gabagabaadi Keliftay In Muddo Xileedki Xukumada oo ay ka Hadhsantahay Muddo Hal Sano In Ay Isku dayan   in Ay Dejiyaan Qorshihi Lagu Dhiig Miiran laha  Shacabka  reer Puntland . Kulaankan ayaa Ilaayo Haatan Dulucdiisa aysan Helin Mareegtu Balse waxay Xaaqijiyeen Ilo-Wareedyo in uu kulaanku ku soo Gabagaboobay Isku mahadsheegasho iyo in xukumada lala Shaqeeyo oo la joojiyo khalkhalka siyaasadeed. Madaxweyne Gaas oo ahaa Madaxweynihi 3di sano ee ugu danbeyey Majara xumaadada Siyaasadeed ay ku Rideen Xubnahaani Ayaa Shacabka Puntland Is weydiinayaan in uu ka Garaabadi Doono Abaalki ku Soo Gabagaboobay Xumaanta ee ay Xubanahaan ugu abaalgudeen. 34 -ka Xildhibaan oo ka mid ah Barlamaanka Puntland ayaa ku Gacan seydhay Qorshahaan Ay Hormuudka uu yihiin Shir Gudoonka Golaha Wakiilada iyo Xubno ka mid ah Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Iyaga oo dedaal Badan ku bixiyeen inay hor istaagaan qorshaha lagu afduubi awooda ay ku soo Magacaabi lahaayen Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu 7 xubnood ee guddiga Khilaafaadka doorashooyinka Puntland oo ay Hore ugu soo Magacaabi Jireen Masuuliyiinti uu kala danbeysay Hogaaminta Puntland. Baarlamaanka Dawlada Puntland waa mid kamida tirarka sadexda ee ay ku dhisan tahay dawladnimada Puntland wuxuuna ka kooban yahay 66-mudane oo ay soo xulaan Odayaasha dhaqanka maadama ay ku salaysan yihiin matalaad beeleed, tan iyo markii la dhisay Puntland 1998 waxaa lagu soo xulaayey habka beelaha, qaarkood waxay kuraasta xubnimada ku fadhiyeen tan iyo dhismihii Puntland iyadoo la sheego inay barteen farsamo ay mar walba kusoo llaabtaan. Axdigii ku-meel gaarka ahaa ee lagu dhisay Puntland iyo dastuurka rasmiga ee la ansixiyey 2012 ayaa labaduba si cad u qeexaaya in xubnaha baarlamaanku noqdaan matalaad degaan lagana gudbo matelaada qabiilka maadaama dhamaan qabaailku aysan wada lahayn xubin baarlamaan hase ahaate degaan walba heli karo matalaad shacbi. Goormaa la kala dirayaa baarlamaanka hada jira? Sida ku cad dastuurka Puntland waxaa lagu wadaa in baarlamaanka hada jira ee Puntland si rasmiya loo kala diro bisha Oktoobar sanadka soo socda ee 2018, wixii xiligaa ka danbeeyana la diyaariyo baarlamaankii cusbaa ee badeli lahaa kuwa la kala diray, kuwaas oo iyaguna dooran doona madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen sideeda Janaayo 2019 hadii Alle idmo. Ma dhabaa in baarlamaanka hada jira uu hortaagan yahay maxkamadii dastuuriga ahayd? Dhanka kale warar soo baxaaya ayaa sheegaaya in madaxweyne Gaas uu diyaariyey xubnihii maxkamada dastuuriga ee uu awooda u lahaa magacaabistooda kuwaas oo ah 2-xubnood maadama dastuurka Puntland uu qeexaayo in maxkamada dastuuriga ay ka koobnaato garsoorayaasha maxkamada sare oo lagu kordhiyey 4-xubnood oo bulshada lagasoo xulaayo kuwaas oo labba kamida uu madaxweynuhu soo magacaabaayo labadda kalena ay baarlamaanku soo magacaabayaan, hadaba wararka soo baxaaya ayaa sheegaaya in baarlamaanku ka caga jiidayaan soo magacaabista xubnihii ay xaqa u lahaayeen ee maxkamada dastuuriga lamana oga sababaha ay illaa hada usoo magacaabi la yihiin xubnahaas muhiimka u ah Dawladnimada Puntland. Maxkamada dastuuriga ayaa ah tan awooda u leh kala saarista iyo xalinta khilaafaadka dastuuriga sida khilaafyada ka dhasha doorashooyinka. Maxa lagu xasuusan doonaa baarlamaanka hada jira ee Puntland? Baarlamaanka hada jira ee Puntland ayaa noqday kuwii loogu hadal haynta badnaa waxaana soo maray mudooyinkii ay jireen dhacdooyin la yaab leh sida kala diristii golaha xukuumada 18-kii luulyo 2017, iyo dib u ansixintii isla golihii ay kala direen 10-kii Agoosto 2017, taas oo ay kala kulmeen fadeexadii ugu weynayd ee baarlamaan Puntland soo mara qabsata, waxay sidoo kale ansixiyeen sharciyo Dalka muran adag ka dhaliyey sida heshiiska ay Dawladu la gashay shirkadda P&O ee ay maamulka dekadda Bosaaso ugu wareejisay taas oo uu illaa hada murankeedu taagan yahay, waxaana si cad loo ogaaday inay heshiisyadaas ku ansixiyeen laaluush gaaraaya aduun lacageed oo dhan ku dhawaad labba milayan oo dollar xili weliba abaar ba’ani Dalka ka jirtay. Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee Puntland ka taagan ayaa  dad badan aaminsan yihiin in ay ka socoto Xildhibaanada Isimadu u dirsadeen Garoowe Goojacade News Garowe-Puntland Email:-Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here