Xog:Soomaliya oo ku soo Dhaaceysa Godkii ay Dowladaha Shiisheeye ay La Raaben.

0

  Garoowe[GOOJACADE.COM] Dowladaha shiisheya waxa ay soomaliya Yimaaden iyaga oo iska dhigaaya in ay Caawinayaan,waxayna wadan Hagardaamo ku Aadan inaysan markale soomaliya soo Kaban. Balse Madaxda iyo shacabka qarkood ayaanan Fahamsaneyn danaha Guud ee Laga leeyahay iyaga oo dhuuniga dhaafsiisanaya Qaranimada Soomaliya,marka aad mararka qaar eegto sida ay uu dhaqmayaan. Todobaadyadi ugu danbeeyey waxaa la hadalhaaya Canshuur koordhin lagu saameyey Diyaaradaha Qaadka ka keeni jiray dalka kenya,kuwaaso imaan jiray Magaalada muqdisho. Balse Jaadka ayaa waxaa laga daajiyey jowhar oo 90 km uu jirta Magaalada Muqdisho ,Taaso muujinaysa Hagar daamada koowad ee laga dhaxlay nidaamka federaalka ,sabaabto ah dowlada iyo wasaarada maaliyadu kamaba hadli karaan canshuur kama qaadi karaan Jaadka ka daaga Magaalada Jowhar. wasaarada maaliyada ayaanan canshuuri kaarin agaab ka imaanaya dal shiisheye oo ka dagaya meel aan caasimada soomaliya ka fogeyn ,waxa aana ka sii daran marka laga sii daajinayo magaaloyinka cadaado,Garowe ,kismaanyo iyo baydhabo. Soomaliya waxa ay haatan ku dhaaceysa Goodki ay uu qooden wadamada cadowga ku ah Horumarka soomaliya. Goojacade.com Muqdisho-soomaliya Email:-Goojacadewebsite@gmail.com  ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here