Xog:Wadahadal dhexmaray Farmaajo Iyo Gabre oo Faashil ku Dhamaaday.

0

wadahadaalo  dhexmaray  wafdi  ka socday dowlada  Ethiopia iyo Madaxweynaha Soomaliya Mudane Maxamed cabdilaahi farmaajo  ayaa faashil ku dhamaaday ,sida ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ay uu sheegen Goojacade.com wafdigan oo uu Hogaaminayo jeneral Gabre Herd ayaa Madaxweyne farmaajo ka codsaday  in uu Booqasho ku Taago Magaalada  Addis-Ababa ,ka hor shirka London,si  Xal looga Gaaro Mugdiga u dhaxeeya labada dhinac,Haseyasha farmaajo ayaa ku  Gacan seydhay. Madaxweynaha soomaliya ma uusan bixin wax sabaab ah  oo uu ku diiday in uu booqdo Addis-ababa,Haseyasha waxaa la sheegay  in uu yiri  in uusan qorshaha ugu jirin in uu xilligan Taago Addis ababa,sida dublamasiyiin xog-ogaal ah uu sheegen Goojacade.com wadahadaaladan ayaa waxaa Garwadeen ka ah QM iyo sheikh shariif sheikh aadan oo  ay dowlada ethiopiya  si aad ah isugu dhowyihiin. farmaajo ayaa la sheegay in inti wadahadaaladu socdeen  dalbaday in ciidamada Ethiopiya  ee jooga soomaliya ee Aan Qeybta ka aheyn  Amisom  la hoos keeno dowlada federaalka soomaliya,islamarkaana ay joojiyaan dhaqdhaqaaqyada  aan la ogeyn ee ay ka wadan Gudaha Dalka,ama ay dalka  ka baxaan,Taasi oo ay Ethiopia diiday. Xiriirka Ethiopiya iyo dowlada cusub  ee soomaliya ayaa Maraya meeshi  meel aad u xun,waxeyna aheyd dhowr maalmod ka hor  marki farmaajo ka cadurdaartay in uu ka qeybgalo Shirki Tana  Forum ee ka dhacay Magaalada  Addis abaaba oo ay Madaxbadan oo African ah ay ka soo qeybgaleen. soomali badan ayaa aad uu Taagersan Mowqiifka Madaxweynuhu ka qaatay Ethiopia,inkasto qaar ay qabaan in Madaxweynuhu ula dhaqmo Hab dublamasiyadeed.   Goojacade.com Muqdisho-soomaliya email:-Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here