Xubno Mucaarad ku ahaa Jubaland oo maanta Kismaanyo lagu soo dhoweeyey

0

Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Jubbaland waxaa maanta oo khamiis ah gaaray Maxamuud Sayid Aadan iyo Maxamed Aw-Libaax oo kamid ahaa xubnaha kasoo horjeeda jubbaland balse qaybta ka ahaa heshiiskii ka dhacay degmada Doolow ee Gobolka Gado. Maxamuud Sayid Aadan iyo Maxamed Aw-Libaax ayaa Maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo waxaana soo dhawayntooda ka qaybgalay madaxwayne kuxigeenkii hore ee Jubbaland Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag iyo Dadwyane kale. Masuuliyiinta ayaa loo galbiyay aqalka Madaxtooyada Jubbaland ee Kismaayo waxaana warbaahinta ay u sheegeen in ay Jubbaland taageersanyihiin & qaabka haatan wax u socdaan. Safarkooda rasmigaa ee kismaayo ajandayaashiisa maysan sheegin balse wararka La helayo ayaa sheegaya inay ka qaybgalayaan xaflada Caleemo saarka Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe oo la caleemo saarayo 12 Bishaan aan ku jirno. Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil Madaxwayne kuxigeenkii hore ee Jubbaland walina xilka haya ayaa sheegay inay ku faraxsanyahay in heshiiskii Doolow mirihiisa la guranayo, waxaana uu u Mahadceliyay Maxamuud Sayid Aadan iyo Maxamed Aw-Libaax oo Kismaayo soo booqday. [gallery columns="4" ids="2944,2945,2946,2947,2949,2950,2952"]]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here