XUDDUN: Shirkado Macdan raadis ah oo ku sii jeeda Shiilo-madow iyo Buur Caanood

0

Wararka naga soo gaadhaya Degmada Xuddun ayaa sheegaya in dadka degaanku ay aad u kacsan yihiin, kadib markii la sheegay inay dib u soo noqonayaan shirkadihii hore isugu deyey inay gurtaan macdanta Buuraha Shiilo-Madow iyo Buur caanood. Boobka Khayraadka Buuralaydaas ayaa la sheegayaa inay horgalo ka yihiin xubno ka soo jeeda degaamada SSC. Chief Caaqil Maxamuud Askar Jaamac oo beryahanba ku sugnaa Magaalada Laascaanood ayaa dhowr maalmood ka hor gaadhay Degmada Xuddun si uu xaalada ula socdo, islamarkaana uu shacabka ula wadaago dareenka iyo welwelka ay ka qabaan waxay ugu yeedheen boobka khayraadkooda lala maagan yahay. Dadka degaamadaas ku dhaqan ayaa sanadkii hore Somaliland shirar iyo heshiisyo kula yeeshay Magaalooyinka AWRBOOGAYS IYO ADHICADEEYE, laakiin Somaliland ayaa dib uga guratay, kadib markii ay ka war heshay SAAMI-QAYBSIGA (POWER SHARING) AY BEELAHAASI IYO SOMALILAND KU MIDOOBI KARAAN 50% GUUD AHAAN GOLEYAASHA, MADAXDA, CIIDAMADA IWM. Si kastaba hayska ahaatee shacabka degaamadaas ayey ka go’an tahay inay ilaashadaan khayraadka dalkooda.
]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here