Xukuumada Kulmiye iyo Shirka Maxamuud Barri ee Awrboogays

0

Wararka ka imanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Xukuumada Kulmiye iyo xisbigeeda isbarkani ay wadaan olole ay ku doonayaan inay shir kula yeeshaan Beesha Maxamuud Barri ee Dhulbahante. Shirkan ayaa waxaa lagu qaban doonaa Magaalada Awrboogeys. Shirka ayaa la doonayaa inay ka soo qaybgalaan ilaa 150 ergay oo isugu jira ilaa 20 Caaqil iyo shacab kale oo dhamaantood ah dad taageersan Xisbiga Kulmiye. Ergooyinka waxaa xulanaya wasiiro ka tirsan Xukuumada iyo saraakiil kale oo Kulmiye ah, waxayna xooga saarayaan in aanay shirka ka soo qaybgelin dad taageersan Xisbiyada kale ama ka feker duwani. Sida ay xaqiijinayaan ilo xogogaal ah, labada casho ee soo socota waxaa la magacaabanayaa gudi qabanqaabo oo ka kooban 15 xubnood oo loo diri doono degaanka Awrboogeys. Ujeedooyinka shirkan ayaa la sheegayaa in looga dan leeyahay in taageero loogu raadiyo Xisbiga Kulmiye maadaama la filayo in shacab farabadan oo ka tirsan degaamada Sool iyo Sanaag ay isu diiwaangelin doonaan doorashooyinka Somaliland oo qabsoomaya 2017. Xukuumada Kulmiye ee biluhu u harsan yihiin ayaan 6 sano ee ay talada haysay wax tixgelin ah siinin beesha Maxamuud Barri, waxaana xukuumada kaga jira Wasiirka Biyaha oo ah wasaaradaha ugu hooseeya, halka dhowaan taliyihii Ciidanka Badda oo ka soo jeeday Gobolka Sanaag si sharaf daro ah shaqada looga cayriyey kadib markuu diiday inuu fuliyo amaro uu u arkay in aanay sharciga waafaqsanayn. Isku soo wada duuboo Ergooyinka Hargeysa laga qoranayo, iyo gudiga qabanqaabo ee ay xulanayaan wasiiro iyo dad xisbi qudha taageersani ma noqon karaan kuwo Maxamuud Barri metela ama la odhan karo wey metelaan? Maxaase maanta Dhulbahante Maxamuud Barri keliya looga xushay? Shirkan maqaarsaarka ahise Kulmiye ma taageero ayuu u keenayaa mise shacabka ayuu ka sii fogeynayaa? Sikastaba hayska ahaatee talaabooyinka noocan oo kale ahi waxay noqon doonaan kuwo sii kala fogeeya shacabka iyo xukuumada Kulmiye iyo Xisbigeeda.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here