Yaa ka Dambeeyay dilkii Caawa Muqdisho loogu geestay Wasiir katirsanaa Xukuumada Soomaaliya ?

0

Dilka caawa magaalada Muqdisho loogu geestay Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u dhiska ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya sidoo kale ahaa Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya waxaa si weyn uga naxay Golaha Wasiirada, Xildhibaanada labada Aqal iyo dhamana dadkii sida weyn u yaqiinay. Waxaa dura caawa la bilaabay baaritaano ku aadan sida uu u dhacay dilka loo geestay Xildhibaan Cabaas Cabdulaahi Sheekh Siraaji, waxaana warar aan helnay sheegayaan in lasoo xiray askartii ka dambeysay dilkii caawa loo geestay Wasiirka. Allaha u naxafriistee Xildhibaan Cabaas Cabdulaahi Sheekh Siraaji ayaa ahaa Wasiirkii ugu da’da yaraa Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya, Wasiirka ayaana dhashay sanadkii 1986-dii waxa uuna nasiib ku yeeshay in uu kamid noqdo Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Golaha Wsaiirada. Xafiiska Shabakada Goojacade.com Muqdisho Somalia Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here