Yaasiin Faratoon oo olole Kulmiye kawada G. Sool iyo Koofiyad-bacleyaal Hargeysa loo qaadayo

0

Waxaa Magaalada Laascaanood ku sugan Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon oo dhowaan magaalada soo gaadhay kadib markuu kasoo kicitimay magaalada Hargaysa oo uu mudo ku sugnaa. Faratoon oo ah siyaasi Somalilander ah ayaa la sheegayaa in intii uu Hargeysa joogay uu kulamo la qaatay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye, waxaana loo badinayaa in laysla gartay inuu noqdo Musharaxa Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Mustaqbalka, halka warar kale ay tibaaxayaaan in la siin doono xil uu ku sugo mudada doorashada ka harsan. Dhanka kale Faratoon ayaa laga doonayaa inuu suurogeliyo in Gobolka Sool ay iska diiwaangeliyaan tiro aad u badan oo Taageersan Xisbiga Kulmiye, taasoo dabooli karta hoos u dhac la filayo in xisbigu kala kulmo gobolada Galbeed ee Somaliland. Faratoon oo shirar badan ku qabtay Laascaanood ayaa soo jeediyey labo qodob oo u muuqda in loogu daneynayo Xisbiga Kulmiye ee loo tiranayo inuu ku biirayo, kuwaas oo kala ah; In laysu diiwaangeliyo si ka balaadhan Gobolada Galbeedka. Iyo in Somaliland wadahadal lala galo, taas oo macnaha ku qarsooni yahay heshiis lala galo Xukuumada iyo Xisbiga Kulmiye ee isa saaran. Iyadoo ay u muuqato wadahadalka Somaaliland inuu yahay hosaasin dadka loogu hoos gelinayo taageeradda Xisbiga Kulmiye. Wararkii ugu dambeeyey ee ololahan Kulmiyeysan ayaa sheegaya inay socoto ururinta Koofiyad-bacleyaal loogu magacdari doono GUDIGA WADAHADALADA SOMALILAND, kuwaas oo loo qaadi doono Magaalada Hargeysa, waxaana la filayaa in maanta la bilaabo magacaabistooda iyo isu soo ururintooda. Durba waxaa Magaalada Laascaanood ka bilowday kala hororsiga ka mid ahaanshaha koofid-bacleyaasha, maadaama ay jiraan ama la filayo balanqaadyo dhaqaale sidii caadadu ahaan jirtay. Maaha markii ugu horeeyey ee odayaal laga ururiyey degaamada Sool, Sanaag iyo Cayn la geeyey Hargeysa oo dhaqaale iyo gaadiid la soo siiyey, kuwaas oo markii ay ku soo noqdeen degaamadii laga qaaday aan wax saameyn ah ku yeelan. Odayaasha maanta la ururinayo ayaan waxba ka duwanaan doonin kuwii ka horeeyey, mana jirayso wax taageero ah oo ay u soo kordhin doonaan Kulmiye iyo Xukuumadiisa, balse waxaa la saadaalinayaa inay abuuri doonto sii kala fogaansho. DAAWO SHIRARKA LAASCAANOOD LAGU QABTAY: https://youtu.be/NAGGJIThhko]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here